Waxaa waddooyinka kala duwan ee magaalooyinka hoos tago gobollada Maraykanka ee Illinois, California iyo New York ka dhacay bannaanbaxyo taageero loogu muujinaya shacabka Falastiin.
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in Israa’iil ay soo afjarto weerarrada ay ka wado Qaza iyo in Maraykanka uunan sii wadin garab istaagga Israa’iil.




