Dowladda oo qorsheynaysa in ay shaqaaleysiiso 20,000 oo macallimiin ah

0
364

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in la howlgeliyo macallimiin dheeraad ah oo gaaraya 20,000 si loo xalliyo gaabadka jira.
Machogu ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Kenya Kwanza uu shaqaaleysiiyay 50,000 oo barayaal ah tan iyo markii uu hoggaanka wadanka qabtay.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay ka go’an tahay wanaajinta kaabayaasha waxbarasho ee dugsiyada wadanka.
Waxaa uu maamulka dugsiyada Kolanya Girls iyo St. Pauls Amukura ee ismaamulka Busia ku wareejiyay lacag dhan 10 milyan oo shilin oo lagu wanaajinaya kaabayaasha tacliinta ee xarumahan.
Dhanka kale Machogu ayaa waalidiinta ku boorriyay in ay carruurtooda geeyaan machadyada lagu barto culuunta farsamada ee TVET si ay u helaan xirfado ay ku shaqeysan karaan.