Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Mahad Salaad ayaa xilkan iska casilay, isagoona u hanqal taagaya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug.
Waxaa uu is ka qaybgeli doona doorashada soo socota ee dowlad goboleedka Galmudug.
Home Wararka Soomaaliya Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee hay’adda NISA