Waxaa deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru lagu xiray shakhsi ku eedeysan in uu iska dhigayay sarkaal ka tirsan ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da ee dalka.
Booliiska Molo ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha maanta maxkamad la soo taagi doono.
Waxaa la qabtay isagoo ku labisan dareeska ciidamada GSU-da.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tuhmanaha lala xiray qof kale oo ay iska kaashan jireen inay bulshada khiyaamaan iyagoo dadweynaha argagax ku beeraya.
Booliiska ayaa hoosta ka xarriiqay in labada qof ay shacabka u sheegi jireen in ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada GSU-da oo ay ka howlgalaan xerada Molo Jury Farm Camp ka hor inta aynan dhac u gaysan.