Waxaa maanta xafiiska la wareegtay madaxa diiwaangelinta ee waaxda cadaaladda ee dalka Winfridah Mokaya.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu dhaariyay xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi.
Waxaa munaasabadda dhaarinta Mokaya guddoominaysay madaxa waaxda garsoorka wadanka garsoore Martha Koome.
19-kii bishan ayay ahayd markii ay Koome xilka madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka u soo xulatay Mokaya oo ku soo baxday turxaan bixinta 7 qof kuwaasi oo ay su’aallo waydiiyeen xubnaha guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC.
Winfridah Mokaya ayaa jagadan hayn doonto muddo 5 sano ah waxayna xafladii maanta lagu dhaarinayay ka sheegtay in ay ka go’an tahay inay dadaal ku bixiso sidii miisaaniyad ku filan loogu heli lahaa waaxda cadaaladda ee dalka si meesha looga saaro caqabadaha dhaqaale ee soo noqnoqday.
Sidoo kale waxay ballan qaadday inay garsoorayaasha iyo shaqaalaha waaxda cadaaladda taageeri doonto gaar ahaan qorshaha Martha Koome ee lagu xoojinaya helidda adeegyada cadaaladda ee dadweynaha ee (STAJ).
Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa dhankeeda ballan qaadday inay Mokaya ka caawin doonto sidii ay laantan ugu guulaysan lahayd hafadyada u degsan.