DHAGEYSO:Barasaabka Nairobi oo muddo kama dambeys ah u qabtay dhakhaatiirta shaqo joojinta ku howlan

0
352

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro u qabtay muddo 12 saacadood ah oo ay dib ugu laabanayaan isbitaalladii ay ka shaqeynayeen.
Waxaa uu wacad ku maray in cidii aan amarkan u hoggaansamin laga qaadi doono tallaabo sharciyeed oo ah in kuwo kale lagu beddelo.
Sakaja ayaa sheegay in dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay billowday geeddisocodka lagu shaqaaleysiinaya ardayda soo bartay culuunta caafimaadka maadaama ay howlwadeennada shaqo joojinta sameynaya ay tani dalbanayeen sidaasi awgeedna aynan jirin sabab maangal ah oo ay uga sii maqnaan karaan xarumihii ay ka shaqeynayeen.
Guddoomiyaha Nairobi ayaa sheegay in marka ay dhammaato muddada uu saraakiisha caafimaadka u qabtay in dhakhtarkii aan ku sugnayn goobtiisa shaqo loo aqoonsanaya inuu shaqada iskaga tagay.

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa arrintan ka hadlay xilli uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU).