Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in golaha amniga qaran uu ka baaran dagaya in shaqaalaha dowladda laga mamnuuci karo inay adeegsadaan barta TikTok ee lagu faafiyo muuqaallada gaagaaban.
Arrintan ayuu wasiirka ka hadlay xilli uu hor tagay guddiga baarlamaanka wadanka u qaabilsan qabashada iyo dhageysiga cabashooyinka dadweynaha.
Waxaa uu Kindiki hoosta ka xarriiqay in si gaar ah loo eegaya in saraakiisha sare ee dowladda laga mamnuuco inay barta TikTok macluumaad ku faafiyaan iyadoo la tixgelinaya khatarta amni ee ka dhalan karta.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay sidoo kale ka fikirayaan in la soo dhiso ciidamo difaac oo dheeraad ah oo Kenya ka ilaalin karo khatarrada dhanka intarneetka.
Guddiga baarlamaanka ee qaabilsan dhageysiga cabashooyinka ay shacabka soo gudbiyaan ayaa eegaya dacwad uu hor geeyay Bob Ndolo oo doonaya in barta TikTok laga mamnuuco gudaha wadanka.
Waxaa uu soo jeedintiisa u aaneeyay in isticmaalka bartan ay qayb ka qaadanaysa in kenyaanka ay lumiyaan aasaaska anshaxa iyo dhaqan wanaagga.
Home Wararka Kenya Dowladda oo ka baaran dagaysa in ay shaqaalaheeda ka mamnuucdo isticmaalka TikTok