Ugu yaraan 50 qof oo ka mid ah qaxootiga Rohingya ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen doon ku qallibmatay xeebta dalka Indonesia .
Waxaa doonta saarnaa qiyaastii 150 qof oo rakaab ah.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay gobolka Aceh ee wadanka Indonesia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo badbaadiyay 6 qof oo isugu jiro afar haween iyo labo rag ah.
Faysal Raxmaan oo ka tirsan hay’adda qaramada midoobay ee arrimaha qaxootiga ee (UNHCR) ayaa laga soo xigtay in doonta gadoontay ay ahayd mid kalluumeysi.




