Lacagaha dugsiyada sare oo lagu soo saari doono 10 cishe gudahooda

0
213

Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay in 10 cishe gudahooda lagu soo saari doono miisaaniyadda ay dowladda dhexe ugu tala gashay dugsiyada sare ee wadanka.
Waxaa sidatan xaqiijiyay xoghayaha waaxda tacliinta aasaasiga ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang, xilli uu ka soo hormuuqday guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka.
Lacagata la soo saari doono si loogu maareeyo howlaha waxbarashada ee dugsiyada sare ayuu Kipsang ku sheegay 16.25 bilyan oo shilin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in heshiiskan la gaaray ka dib wada hadal uu la yeeshay dhigiisa wasaaradda maaliyadda waxayna isku afgarteen in maalmaha nagu soo aaddan la bixiyo boqolkiiba 25 ee miisaaniyadda.
Dhanka kale adeegga qaabilsan in ardayda dhameeyay dugsiyada sare la kala geeyo machadyada iyo jaamacadaha wadanka ee (KUCCPS) ayaa bartiisa dib u furay.
Tani ayaa fursad siinaysa in ardayda codsiyada gudbiyay ee doonaya in ay ku biiraan jaamacadaha, xarumaha farsamada, machadyada laga barto culuunta caafimaadka ee (KMTC) iyo machadyada macallinnimada ay dib u eegis ku sameeyaan culuunta ay doonayaan in ay bartaan.
Bartan ayaa furnaan doonto ilaa 4-ta bisha Afaraad ee sanadkan.