Guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee JSC ayaa Mokaya Frida Boyani u magacaabay madaxa diiwaangelinta ee waaxda cadaaladda wadanka.
Waxay xilkan hayn doontaa muddo shan sano ah.
23-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii JSC ay xayeysiisay in ay bannaan tahay jagada diiwaangeliyaha ee maxkamadaha wadanka.
Waxaa codsiyo soo dirsaday 43 qof hasa ahaate qiimeyn iyo turxaan bixin la sameeyay ka dib waxaa jagadan ku soo baxday Mokaya.
Waxay beddelaysa Anne Amadi iyadoo waaxda cadaaladda ee dalka u qaabilsanaan doonto dhanka maamulka sare , xisaabaadka iyo xoghaynta.
Haweeneydan ayaa leh khibrad shaqo oo dhanka sharciga oo ah in ka badan 27 sano.
Waxay hay’sataa shahaadada heerka Degree ee culuunta sharciga .