EACC oo xirtay maamule dugsi oo laaluush qaatay

0
198

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Erustus Ruiru Nganga oo ah maamulaha dugsiga sare ee Keekonyokie ee ismaamulka Narok.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu qaatay lacag laaluush ah.
Maamulaha ayaa la qabtay xilli uu qof ganacsade ah ka qaadanayay 40,000 oo shilin oo ka mid ahayd 50,000 oo laaluush ah oo uu ka dalbaday.
Maamulaha ayaa lacagtan dalbaday isagoo sheegaya in ganacsadaha uu u fududeeyay inuu agab geeyo dugsiga uu maamulo.
Afhayeenka guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC,Eric Ngumbi ayaa xaqiijiyay xarigga maamulaha.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Ntulele Police Station ee ismaamulka Narok wuxuuna maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin