Dhakhaatiirta dalka oo loogu baaqay in aynan shaqo joojin sameyn

0
133

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni Muriuki ayaa xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ka codsatay in aynan berri billaabin shaqo joojinta qaran ee ay ku dhawaaqeen.
Waxay saraakiisha caafimaadka kula talisay in ay qorshahooda dib u dhigaan oo ay fursad siiyaan qaab kale oo lagu xallin karo tabashooyinkooda.
Xilli ay saaka u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayay mas’uuliyiinta ururka dhakhaatiirta ee KMPDU ka codsatay inay yimaadaan miiska wada hadalka.
Xoghayaha ayaa qirtay inay jiraan arrimo u dhexeeya wasaaradda iyo dhakhaatiirta oo aan weli la xallin.
Hasa ahaate waxay sheegtay in shaqo joojin aynan ahayn tallaabada ugu wanaagsan ee ismari waaga lagu xallin karo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr.Davji Atellah uu sheegay in wada hadalladii kala dhexeeyay wasaaradda caafimaadka aynan noqon kuwo miro-dhal ah sidaasi awgeedna laga billaabo berri ay guda geli doonaan shaqo joojin qaran.
Waxay dalbanayaan in dhakhaatiirta dallacsiin loo sameeyo sidoo kalena la howlgeliyo ugu yaraan 3,000 oo ah arday bartay culuunta caafimaadka kuwaasoo maray tijaabo shaqo.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhankeeda sheegaysa in aynan haysan miisaaniyad ay dalabaadkan ku fulin karto.