Aqalka sare ee dalka ayaa xalay fiidkii meel mariyay hindise sharciyeedka guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa.
Hindisaha oo maray akhrintii saddexaad ayaa waxaa codkooda ku taageeray 27 senatarro ah halka ay 10 kale ka soo horjeesteen.
Waxaa kal-fadhiga maareynayay guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Meru, Kathuri Murungi.
Nidaamka uu golaha senate-ka meel mariyay ayaa dhigaya in kenyaanka shaqeeya iyo goobaha ay ka howlgalaan ay bil kasta boqolkiiba min 1.5 ee mushaarkooda ku biiriyaan sanduuqa guriyeynta.
22-kii bishii hore ayay ahayd markii golaha qaran ee xeer dejinta uu ansixiyay hindise sharciyeedka guriyeynta oo loo sii gudbiyay aqalka sare.
Sanadkii hore ayuu guddi ka kooban saddex garsoorayaal sharci darro ku tilmaamay qorshahan.
Waxaa 26-kii bishii Koowaad ee sanadkan go’aankaasi ayidday maxkamadda racfaanka ee dalka oo sheegtay in nidaamkan la soo saaray iyadoo uunan jirin xeer lagu saleynaya dhaqangelintiisa.




