Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan qaar ka mid ah ciidamada booliiska dalka oo diiddan in la geeyo dalka Haiti.
Ka dib kulan amni oo uu ku guddoomiyay ismaamulka Machakos ayuu sheegay in qorshaha 1,000 ka mid ah booliiska Kenya lagu gaynaya Haiti uu dib u dhacay maadaama horay loogu hor istaagay amar maxkamadeed.