3 arday oo ku dhintay shil ka dhacay Murang’a

0
270

Saddex ka mid ah ardayda dugsiga hoose dhexe ee Maadili Junior School ayaa shil ku geeriyooday ka dib markii bas ardaydan siday uu ku gadoomay ismaamulka Murang’a.
Shilka ayaa shalay galab laga soo tabiyay aagga Kawatera ee waddada u dhexeysa Gitugi- Murang’a .
Waxaa uu xilligaasi baska siday 38 arday ah ,3 macallimiin iyo labo darawaliin ah oo dugsiga dib ugu laabanayay waxayna ka yimaadeen ismaamulka Nyeri.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal arday oo ku geeriyooday isla goobta uu shilka ka dhacay iyadoo labada kalena ay dhinteen xilli isbitaalka loo sii waday si looga daaweeyo dhaawacyo soo gaaray.
Waxaa hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalaya 5 kale oo ay soo gaareen dhaawacyo culus.
Barasaabka ismaamulka Murang’a ,Irung’u Kang’ata ayaa waalidiinta ay ardayda ka baxeen iyo maamulka dugsigii ay dhiganayeen uga tacsiyadeeyay geerida ku timid carruurta.
Waxaa uu ballan qaaday in kuwa shilkaasi ku dhaawacmay ee hadda lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Murang’a ay heli doonaan daryeel caafimaad oo tayo leh.