Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa, Udgoon Siyaad ayaa maamulka Nathiif Jaamac Aadan ku dhaliishay inuu ka gaabiyay qaar ka mid ah adeegyada bulshada sida biyaha.
Waxay sheegtay in dadweynaha Garissa ay caqabado kala kulmayaan helidda biyaha.
Mas’uuliyiinta la soo doortay ayay ku boorrisay inay ku dadaalaan in bulshada Garissa laga haqab tiro baahiyaha aasaasiga ee jira sida caafimaadka, waddooyinka iyo waxbarashada.