Wasiirrada arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo ka wada hadlay barnaamijyada amniga

0
126

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa saaka xafiiska ku booqday dhigiisa maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha wadanka Prof. Njuguna Ndung’u.
Waxay ka wada hadleen sare u qaadidda shaybaarka qaran ee baaritaannada iyo barnaamijyada kale ee dhanka amniga.
Kindiki ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulanka ay sidoo kale ka qayb galeen agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da, Aamiin Maxamad iyo xisaabiyaha adeegga qaran ee booliiska ee NPS, Bernice Sialaal .