Wasaaradda maaliyadda oo dhammaadka bishan soo saari doonto lacagaha horumarinta deegaannada

0
133

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa lagu wadaa in ay dhammaadka bishan soo saarto lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF) .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in wasaaraddu ay bishan bixin doonto 10 bilyan oo shilin halka dhammaadka bisha Saddexaad ee sanadkan ay soo saari doonto 10 bilyan oo dheeraad ah.
Hasa ahaate waxaa uu xildhibaannada ka codsaday in ay dowladda u dul qaataan marka uu dib u dhac ku yimaado bixinta lacagaha maadaama ay la daala dhacaysa xasilinta dhaqaalaha wadanka.
Arrintan ayuu madaxweyne William Ruto ka sheegay shirka wada tashiga wasiirrada , xoghayeyaasha, saraakiisha sare ee dowladda iyo xeer dejiyaasha xisbiga talada wadanka haya ee UDA uga socdo magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa sidoo kale kulankaasi looga hadlay dib u dhiska guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, hindise sharciyeedka guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa iyo xoojinta midnimada isbeheysiga Kenya Kwanza.
Kulanka Naivasha oo Axaddii furmay ayay maanta madaxweynaha dalka William Ruto iyo wasiirrada wasaaradaha kala duwan maanta ku eegayaan waxyaabihii u qabsoomay muddo 17 bilood ah iyo caqabadaha jira ee u baahan in la xalliyo.
Waxaa shirka qayb ka ah xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda iyo guddiga la-taliyeyaasha madaxweynaha .
Waxaa maanta xoogga la saaraya guulihii la gaaray sanadkii hore iyo dhaqangelinta qorshayaasha la xiriira sanadkan.