DHAGEYSO:Eugene Wamalwa oo sheegay in isbeheysiga mucaaradka uu sii ahaan doono mid xooggan inkastoo Raila uu u tartamayo xilka guddoomiyaha AU

0
253

Madaxa xisbiga DAP-K horayna u soo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dalka, Eugene Wamalwa ayaa sheegay in isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya uu sii ahaan doona mid xooggan, inkastoo hoggaamiyaha isbeheysigan Raila Odinga uu doonaya inuu u tartamo xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay siyaasiyiinta isbeheysiga talada wadanka ee Kenya Kwanza ee taageeray musharraxnimda Raila Odinga ee guddoonka AU.