Dowladaha Australia, Canada iyo New Zealand ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in loo baahan yahay in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza.
Waxaa bayaanka wada saxiixay ra’iisul wasaarayaasha dalalkan.
Waxay dhanka kale walaac xooggan ka muujiyeen saameynta howlgallada militari ee Israa’iil ee magaalada Rafah.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in ay qasab tahay in Israa’iil ay dhageysato baaqyada saaxiibadeeda iyo beesha caalamka oo ay soo afjarto bartilmaameedsiga rayidka.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 28,576 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 68,291 oo dheeraad ah.




