DHAGEYSO:Wetangula oo beeniyay in baarlamaanka uu u afduuban yahay golaha fulinta ee dowladda

0
270

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa beeniyay eedeyn uga timid siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo ahayd in baarlamaanka uu u afduuban yahay golaha fulinta ee dowladda dhexe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xildhibaannada ay si madax bannaan uga doodaan hindise sharciyeedyada la hor geeyo.
Wetangula ayaa sheegay in tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyaha baarlamaanka uunan madaxweynaha dalka William Ruto talefoon u soo dirin isagoo u tilmaamaya qaabka uu doonaya in arrin loo maareeyo.
Waxaa uu ku celceliyay in ka guddoomiye ahaan uu fursad siiyo xildhibaannada isbeheysiga muxaafidka ee Kenya Kwanza iyo kuwa mucaaradka ee Azimio si ay doodahooda u soo bandhigaan.

Xildhibaannada deegaan baarlamaneedka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Mboko ayaa dhankeeda sheegaysa in xildhibaannada ay u codeeyaan qaabka uu xisbigooda ama isbeheysigooda doonaya.
Waxay tilmaantay in mararka qaar ay xildhibaanka dantu ku qasabto inuu kal-fadhi ka maqnaado maadaama uunan doonayn inuu ka soo horjeesto mowqifka xisbiga uu ka tirsan yahay isagoo sida ay hadalka u dhigtay u daneynaya shacabka.