Kal-fadhiyada baarlamaanka oo galabta dib u furmaya

0
150

Waxaa galinka dambe ee maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyada golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ka dib fasax ay xubnuhu muddo ku maqnaayeen.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa sheegay inay mudnaan siin doonaan ka doodidda warbixintii uu soo saaray guddigii wada hadallada qaran ee NADCO ee matalayay isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya.
Wetangula ayaa xusay in warbixintan ay tahay ajeendaha koowaad ee howlaha baarlamaanka maadaama sida uu hadalka u dhigay ay taabanaysa dano qaran oo muhiimad gaar u leh kenyaanka.
Arrimahan waxaa ka mid ah magacaabidda saraakiisha sare ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale guda geli doono qorshaha miisaaniyad sanadeedka 2024-2025.
Kal-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka 13-aad ee dalka ayaa lagu ansixin doonaa xubnaha guddiyada baarlamaanka sida guddiga howlaha golaha qaran ee xeer dejinta ee (HBC) iyo guddiga awoodaha.
Xubinnimada guddiyadan ayaa la cusbooneysiiya billowga kal-fadhi kasta.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa ansixin doono jadwalkiisa sanadlaha ah oo hagi doono fadhiyada la yeelanaya ilaa bisha 12-aad ee sanadkan 2024.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sidoo kale eegi doono bayaanka xeerka miisaaniyadda ee (BPS) iyo istaraatiijiyadda maareynta deymaha oo lagu wado in golaha la hor geeyo 15-ka bishan Labaad.
Waxaa sidoo kale baarlamaanka hor yaalla hindise sharciyeedka mashruuca guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa oo la doonaya in lagu soo dhiso sanduuq dhaqaale oo barnaamijkan lagu maalgelinaya.