Waxaa maanta maxkamad la soo taagay afar sarkaal oo booliis ah oo la rumeysan yahay inay iibiyeen khamri sharci darro ah oo sababay dhimashada 17 qof.
Dhacdadaasi ayaa laga soo tabiyay ismaamulka Kirinyaga.
Saraakiisha ayaa la rumeysan inay iibiyeen khamri sharci darro ah oo ku kaydsanaa saldhigga booliiska ee Kiamaciri.
Waxaa ay maanta ka soo hormuuqdeen maxakamadda sharciga ee Baricho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanayaasha ay khamriga ka iibiyeen milkiilaha baar lagu caweeyo.
Shakhsiga khamriga laga iibiyay oo dhawaan maxkamadda la soo taagay ayaa magiciisa lagu sheegay John Muriithi Karaya oo ku magacdheer ‘California’ islamarkaana xabsiga lagu sii hayn doona ilaa 7-da bisha soo socoto oo ay markale maxkamadda kiikiisa dhageysan doonta.
Saraakiisha ayaa khamriga sharci darrada iibiyay 4-tii bishii hore.
Waxaa ay John Muriithi khamriga kaga iibiyeen 20,000 oo shilin.
Garsooraha sare ee maxkamadda Stephen Nyaga ayaa u oggolaaday booliiska in afarta askari ay xabsiga ku sii hayaan ilaa 7-da bisha Saddexaad ee sanadkan, si ay u soo gabagabeeyaan baaritaannada.
Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogi doona dacwad la xiriirta xatooyo iyo inay maleegeen fal dembiyeed.