Raila Odinga oo sharci darro ku tilmaamay in la soo magacaabo la taliyaha qaran ee amniga

0
223

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sharci darro ku tilmaamay in dastuurka la beddelo si loo soo magacaabo la taliyaha qaran ee dhanka amniga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro hindise sharciyeed lagu beddelaya xeerar dhowr ah oo ku saabsan maamulka qaran.
Azimio ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in soo jeedinta ah in xafiiska la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha amniga uu hoos tago waaxda adeegga dadweynaha ay qalad tahay maadaama tani ay liddi ku tahay haykalka amni ee wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay faragelinaysa waajibaadka militariga iyo sirdoonka dalka.
Farqada 240-aad ee dastuurka dalka waxaa ku cad xubnaha golaha qaran ee ammaanka iyadoo xoghayaha golahan ay soo magacaabayaan xubnaha.
Baarlamaanka dalka ayaan wax awood ah u lahayn inuu qof u magacaabo xilkan ama xafiis la xiriira uu soo dhiso maadaama tani ay tahay waajibaadka golaha qaran ee ammaanka sida uu dastuurku qabo.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa xusay in haddii soo jeedinta ay meel marto , in madaxweynaha uu yeelanaya awoodaha golaha qaran ee ammaanka.
Azimio la Umoja ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale dastuurka aynan ku xusnayn shaqooyinka la taliyaha qaran ee amniga iyo doorka uu ku leeyahay maamulka amniga wadanka.
Golaha qaran ee ammaanka waxaa xubno ka ah madaxweynaha dalka , ku xigeenkiisa, wasiirka difaaca , wasiirka amniga gudaha , wasiirka arrimaha dibadda , xeer ilaaliyaha qaranka , taliyaha guud ee ciidanka difaaca dalka ee KDF-ta , agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka iyo taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka.