Barasaabyada oo walaac ka muujiyay in dhakhaatiir badan ay dalka ka tagayaan si ay dibadda uga shaqeeyaan

0
172

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (CoG) ayaa arrin walaaceeda leh ku sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ay dalka iskaga tagayaan si ay qurbaha uga soo shaqeystaan.
Guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi Muthomi Njuki ayaa arrintan ka hadlay.
Waxaa uu dowladda dhexe ku boorriyay inay dib u eegis ku sameyso nidaamka ay saraakiisha caafimaadka ee dalka uga howlgalayaan waddamada kale.
Waxaa uu intaasi ku daray in tirada dhakhaatiirta ee dalka ay yar tahay marka loo barbardhigo shacabka ay u adeegayaan sidaasi awgeedna haddii aan qorshahan dib loo eegin in saameyn wayn ay ka dhalan karto.
Golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG ayaa dhanka kale sheegay in 362 dhakhaatiir ah ay ku maqan yihiin fasax waxbarasho iyadoo 135 kale oo soo dhameystay deeq waxbarasho oo la siiyay lagu wado inay dib ugu soo laabtaan dowlad deegaannada dalka.
CoG ayaa intaasi ku dartay in hadda 10,000 oo kenyaan ah ay daryeel caafimaad u fidiyaan dhakhaatiir ay tiradoodu tahay keliya 14.
Bishii hore ayay ahayd markii ay dowladda dhexe shaacisay in 2, 500 oo kalkaaliyeyaal ah loo diri doono boqortooyada Sacuudi Carabiya si ay halkaasi uga howlgalaan.