Waxaa ismaamulka Migori laga xaqiijiyay saddex kiis oo ah cudurka daacuunka.
Wasiirka caafimaadka ee Migori Julius Nyerere ayaa sheegay in xaaladahan laga soo tabiyay deegaanka Galbeedka Kuria.
Waxaa uu intaasi ku daray in labo qof oo ka mid ah dadka uu daacuunka saameeyay la daaweeyay oo isbitaalka laga saaray halka midka saddexaad weli la daryeelaya.
Nyerere ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin in kiisaska daacuunka ay uga soo gudbeen Tanzania oo Kenya daris la ah.
Wasiirka ayaa xusay in kooxda ismaamulka Migori u qaabilsan la socodka cudurrada in la geeyay qaybaha kala duwan ee dowlad deegaankaasi si ay cudurka ula tacaalaan haddii uu sii fido.
Julius Nyerere ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay inay nadaafadda aad ugu dadaalaan oo ay isticmaalaan biyo saafi ah.
Sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii ay 8 qof cudurka daacuunka ugu dhinteen ismaamulka Migori halka ay ka caafimaadeen in ka badan 50 kale.