Gachagua oo amar ku bixiyay dardargelinta cirib tirka FGM

0
183

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka ee deegaannada kala duwan ee wadanka ku amray inay ku dadaalaan dardargelinta geeddisocodka lagu soo afjaraya gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sida keliya ee rag iyo haweenba looga qayb qaadan karo la tacaalidda arrinkan ay tahay in sare loo qaado wacyiga bulshada ee saameynta caafimaad ee uu gudniinkan ku leeyahay gabdhaha.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in ay walaaceeda leedahay in boqolkiiba 65 ee haweenka ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano ee ismaamulka Isiolo lagu sameeyay nooca gudniinka ee fircooniga ee FGM-ka.
Heerka qaran ee gudniinkan ee sanadkii 2021-kii ayuu ku sheegay isku celcelis ahaan boqolkiiba 15.