Kenya iyo UNHCR oo ka wada hadlay arrimaha qaxootiga

0
265

Dowladda Kenya iyo Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga ee dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxa UNHCR Filippo Grandi, uu xafiiska ku booqday xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Kibet Bitok.
Waxaa uu Bitok hoosta ka xarriiqay inuu Filippo Grandi faahfaahin ka siiyay xaaladda qaxootiga isagoo u muujiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay in martigelinta qaxootiga ay noqoto mid ku saleysan siyaasad daah furan.
Xoghayaha ayaa sidoo kale madaxa UNHCR u sharraxay qorshaha Shirika plan oo ah mid istaraatiiji ah oo lagu hubinaya in dadka qaxootiga ay noqdaan kuwo adkeysi leh oo si shakhsiyeed isugu filan.
Isku duwaha sare ee hay’adda UNHCR Filippo Grandi, ayaa dhankiisa Kenya ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixinaysa martigelinta in ka badan 700,000 oo qaxooti ah.
Waxaa sidoo kale kulanka maanta ka qayb galay wakiilka UNHCR ee Kenya Caroline Van Buren, isku duwaha arrimaha qaxootiga ,John Burugu iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan waaxda adeegyada qaxootiga ee DRS .