Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in maamulkiisa uu si siman ugu adeegi doono shacabka iyadoo aan la eegayn gobolka ay ka soo jeedaan.
Waxaa uu xusay in aynan jiri doonin qayb ka mid ah Kenya oo laga qadinaya mashaariicda horumarineed.
William Ruto ayaa meesha ka saaray in goobaha mucaaradka ay taageerada badan ku leeyihiin lagu gacan bidixayn doona mashaariicda horumarineed ee dowladda.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay dejisay waxyaabaha ay mudnaanta siinaysa si loo wanaajiyo nolosha dhammaan muwaadiniinta.




