Guddiga JSC oo qabanaya codsiyada lagu buuxinaya jagooyin ka bannaan maxkamadda racfaanka

0
154

Guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee dalka ee (JSC) ayaa dadka daneynaya inay buuxiyaan jagooyin gaaraya 11 oo ka bannaan maxkamadda racfaanka ee wadanka ku wargeliyay inay codsiyadooda soo dirsadaan.
Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa wargeyska rasmiga ku soo daabacday in shakhsiyaadka u qalmo inay xilalkan qabtaan laga doonaya inay codsiyadooda ku soo gudbiyaan shabakadda rasmiga ee guddiga JSC.
Waxay hoosta ka xarriiqday in shakhsiyaadka jagooyinka ka bannaan maxkamadda racfaanka ee dalka u hanqal taagaya looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudo ay ka mid tahay shahaadada heerka Degree-ga ee culuunta sharciga iyo khibrad shaqo oo qareennimo oo ah ugu yaraan 10 sano.
Tani ayaa timid ka dib kulankii ay bishii hore yeesheen hoggaamiyaasha laamaha dowladda dhexe ee garsoorka , baarlamaanka iyo golaha fulinta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bishii hore waaxda cadaaladda u oggolaaday in la siiyo miisaaniyad dheeraad ah oo ay ku shaqaaleysiin karto 36 garsoorayaal ah.
25 ka mid ah garsoorayaashan ayaa laga howlgelinaya maxkamadda sare ee dalka iyadoo 11-ka kalena la geynaya maxkamadda racfaanka.
Sidoo kale waxaa bishii hore waaxda cadaaladda loo oggolaaday miisaaniyad lagu fududeynaya howlaheeda gaadiidka.