Dowladda oo 394 bilyan ku dhisaysa waddooyinka waawayn

0
284

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa soo bandhigay qorsho la adeegsan doono muddo 5 sano ah.
Qorshahan oo lagu dhisaya sidoo kalena lagu dayactiraya waddooyinka waawayn ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 394 bilyan oo shilin.
KeNHA ayaa sheegtay in 192.5 bilyan oo lacagtan ka mid ah lagu sii ballaarin doono waddooyinka waawayn oo ay ka mid tahay waddada u dhexeysa Rironi-Nakuru-Mau.
Dhismaha waddooyinka cusub oo ay ka mid yihiin kuwo la billaabay waxaa ku bixi doonto 117 bilyan oo shilin.
Sidoo kale 84.5 bilyan oo shilin ayaa loo qoondeeyay in lagu dayactiro waddooyinka aynan tayadoodu wanaagsanayn .
Qorshaha KeNHA waxaa ka mid ah in dhisidda waddada Kula-Mawe ilaa Modogashe ay ku baxdo 11.6 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waddada Isiolo-Kula-Mawe ayaa lagu dhisi doonaa 9.98 bilyan .
KeNHA ayaa sheegtay inay sidoo kale dhisi doonto waddada u dhexeysa Isiolo-Mandera, Barpello-Marichpass, iyo Marsabit-Segel-Maikona waxaana lagu qarash gelin doonaa 6 bilyan oo shilin.