Maxkamadda Machakos oo xabsi daa’in ku xukuntay nin kufsi gaystay

0
244

Maxkamad ku taalla magaalada Kithimani ee ismaamulka Machakos ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin lagu eedeyay inuu gaystay kufsi sidoo kalena uu si ula kac ah falkaasi ugu gudbiyay caabuqa HIV-ga.
Waxaa xukunka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Benson Khapoya.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in xeerka dalka uu cadeynaya xukunka uu mudan yahay eedeysanaha oo sida uu hadalka u dhigay aan u muuqan mid ka qoomamoonaya tacaddigii uu ku kacay.
Waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u soo bandhigtay ilaa saddex caddeymo ah iyo marqaati dhan 5.
Caddeymaha waxaa ka mid ah mindi uu ugu hanjabay labo haween oo uu kufsaday iyo saniingo la sheegay inuu isku duray ka dibna uu caabuqa HIV-ga ku qaadsiiyey.