Dowladda oo billaabaysa howlgal ka dhan ah guriyaha muddada kooban la kireeya ee aan sharciyeysnayn

0
204

Dowladda dhexe ayaa shaacisay qorsho guud ahaan wadanka looga fulinaya howlgallo lagu bartilmaameedsanaya guriyaha mudadda kooban la kireeya ee loo yaqaano Airbnbs.
Waa adeeg uu qofka gurigaasi leh ama deggan uu qof kale oo musaafir ah ama doonaya inuu muddo kooban halkaasi degganaado uga kireeyo.
Howlgallada ayaa lagu bartilmaameedsan doonaa guriyaha adeegyadan bixiya ee aan sharciyeysnayn.
Tani ayaa ka mid ah tallaabooyinka looga falcelinaya kiisaska dilalka haweenka ee gudaha wadanka ku kordhay.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo, Anne Wang’ombe ( xoghayaha jinsiyadda), Beatrice Inyangala ( xoghayaha tacliinta sare), iyo John Ololtuaa ( xoghayaha wasaaradda dalxiiska) ayaa lagu sheegay in kormeerka xarumahan uu billaaban doono 5-ta bisha labaad ee sanadkan.
Dowladda ayaa dhammaan dadka guriyahan kireeya ku amartay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay iska diiwaangeliyaan maamulka maareynta howlaha dalxiiska ee (TRA).
Xoghayeyaasha ayaa sheegay in geeddisocodka diiwaangelinta looga gol-leeyahay xaqiijinta in adeeggan uu noqdo mid waafaqsan halbeegyada ugu sarreeya ee dhanka badqabka iyo nabad galyada martida.
Sidoo kale dowladda oo kaashanaysa baraha guriyahan laga dalbado ayaa xannibi doonto in aan qof marti ah laga kireyn goob aan diiwaangashanayn iyadoo cidii aan amarkan u hoggaansamin laga qaadaya tallaabooyin ay ka mid yihiin ganaax lacageed iyo in lagala laabto shatiga la siiyay.
Dhacdooyinka dilalka haweenka ee dhawaan wadanka ka dhacay waxaa ka mid ahaa in meydka Starlet Wahu laga helay guri la kireeyay oo ku yaalla xaafadda South B ee ismaamulka Nairobi iyo gabadh 20 sano jir ahayd oo jaamacad dhiganaysay ,Rita Waeni oo iyadana meydkeeda laga dhex helay guri noocani ah oo ku yaalla deegaanka Roysambu.
Tani ayaa abuurtay qaylo-dhaan ay dadweynaha gaar ahaan haweenka ku doonayaan in lagu xaqiijiyo badqabkooda.