4 qof oo ku dhaawacmay dab ka kacay suuqa Jua Kali ee Nairobi

0
295

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee (KRCS) ayaa xaqiijisay in afar qof ay dhaawacyo culus soo gaareen ka dib dab xooggan oo ka kacay suuqa biraha lagu iibiyo ee Jua Kali oo ku yaalla hareeraha waddada Landhies ee magaalada Nairobi.
KRCS ayaa sheegtay in dadka dhaawaca ah ay heleen gurmad degdeg, islamarkaana haatan lagu dabiibaya mid ka mid xarumaha caafimaadka ee magaalada Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu burburiyay hanti aan weli qiimaheedu la cayimin.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay xalay fiidkii in kastoo saacado ka dib lagu guulaystay in dabka la demiyo.
Waxaa ilaa iyo hadda caddeyn waxa sababay dabka.
Dhanka kale booliiska ayaa billaabay baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay dabka.