Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ay ka soo hormuuqdeen saddex eedeysanayaal.
Arjun Chauhan Surya, Aftab Afzal Cabbaas iyo Ajmal Amershi Karim ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay daabaceen macluumaad aan xaqiiqada ku saleysnayn taasi oo liddi ku ah qaybta 23-aad ee xeerarka isticmaalka kombiyuutarrada iyo baraha intarneetka ee la soo saaray sanadkii 2018-kii.
Saddexda ruux ayaa la xiray ka dib howlgallo ay saraakiisha dambi baarista ka sameeyeen magaalooyinka Mombasa, Kitengela iyo Nairobi oo ay tuhmanayaasha ku dhuumanayeen ka dib markii ay galeen dembigan oo warbixin la xiriirta uu qof cabanaya ka gudbiyay saldhigga booliiska ee xaafadda Parklands.
Hasa ahaate ka dib markii eedeysanayaasha maanta maxkamadda la hor keenay ayay iska fogeeyeen dacwadda lagu soo oogay waxaana mid waliba lagu siidaayay damaanad lacageed oo dhan 100,000 oo shilin ama damaanad uu qiimaheedu yahay 200,000 oo shilin.
Sidoo kale waxaa eedeysane kasta lagu xiray inuu soo bandhigo labo qof oo isaga lagala xiriiri karo.
Dacwadda ay wajahayaan shakhsiyaadkan ayay mar kale maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi soo qaadi doontaa 12-ka bisha Labaad ee sanadkan.




