DHAGEYSO:Indhafiiq iyo daaweyn lacag la’aan ah oo lagu soo gabagabeeyay xeryaha Dadaab

0
186

Waxaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab lagu soo gaba gabeeyay barnaamij indha fiiq oo lacag la’aan ah oo ay hirgaliyeen qaar ka mid ah dhallinyaradii xeryaha ka dhoofay oo ku nool Mareykanka.
Waxaa indha fiiq iyo daaweyn loo sameeyay dad badan oo qabay baahiyo dhanka aragga ah.
Bukannada xanuunkooda indhaha wax looga qaban waayay gudaha xeryaha oo u baahan qalab casri ah iyo dhakhaatir takhasuus wanaagsan leh ayaa laga shaqeynaya sidii wax loogu qaban lahaa.
Waxaa sida uu barnaamijkan u qabsoomay iyo qorshahooda xiga warbaahinta Star uga warramay hormuudka barnaamijkan Dr. Cabdiqaadir Maxamad Maxamuud.