DHAGEYSO:Maxkamadda racfaanka oo laashay lacagaha laga jaraya shaqaalaha si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta

0
217

Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa maanta soo saaray go’aan la xiriira canshuurta guriyeynta.
Maxkamadda racfaanka ayaa ayidday go’aankii maxkamadda sare ay sharci darro ugu tilmaantay qorshaha dowladda ee dadka shaqeeya looga jaraya boqolkiiba 1.5 ee mushaarkooda si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxaa go’aankan maanta soo saaray xaakinnada kala ah Lydia Achode, John Mativo iyo Mwaniki Gachoka.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in mashruuca guriyeynta uu xadgudub ku yahay xeerarka ugu muhiimsan ee dastuurka.
Waxay xaakinnada sheegeen in lacagtan oo laga jaro dadka haya shaqooyinka rasmiga ah ay liddi ku tahay mabda’a dastuuriga ee qeexaya in muwaadiniinta aan la kala takoorin.
Dowladda ayaa horay u sheegtay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay in la dhiso guriyo tayeysan oo ay kenyaanka ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa marar badan qorshahan difaacay wuxuuna sheegay inuu qofka u horseedaya in 20 ilaa 30 sano ka dib uu lahaado guri wanaagsan oo u gaar ah.
Qaar ka mid ah kenyaanka ayaa go’aanka maxkamadda siyaabo kala duwan uga hadlay.