Xildhibaanka Lugari oo baaq u diray TSC

0
141

Xildhibaanka deegaanka Lugari ee ismaamulka Kakamega , Nabii Nabwera ayaa guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ugu baaqay inuu dib u soo celiyo macallimiin uu dhawaan ka saaray dugsi sare oo halkaasi ku yaalla.
TSC ayaa goobo kale oo ay ka howlgalayaan u wareejisay 17 macallimiin ah oo wax ka dhigayay dugsiga sare ee St. Gabriel Isongo Secondary ee Kakamega ka dib markii ay waalidiinta deegaanka Bariga Mumias gudaha u galeen xarunta waxbarashada iyagoo dibadda u saaray maamulaha .
Waalidiinta ayaa ka cabanayay in sanadkii hore ardayda dugsigaasi ay imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ka soo hooyeen natiijooyin hooseeya.
Xildhibaanka Lugari ayaa sheegay in TSC ay sameysay qalad maadaama ay dugsigaasi ka wareejisay dhammaan macallimiintii ka shaqeynayay taasina ay jahwareer ku abuurtay ardayda.
Nabii Nabwera ayaa xusay in qalad dhacay aan qalad kale lagu sixi karin.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta keentay in iyadoo TSC ay leedahay waax u qaabilsan xaqiijinta tayada waxbarashada in dhammaan ardayda dugsigaasi ay heleen buundada E.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in arrintaasi ay ka wada fadhiistaan oo ay ka arrinsadaan daneeyayaasha kala duwan ee waxbarashada, waalidiinta iyo mas’uuliyiinta deegaankaasi.