Dhakhaatiirta Embu oo shaqo joojin isku diyaarinaya

0
151

Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Embu ayaa qorsheynaya inay isbuuca dambe shaqo joojin guda galaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay gabogabo tahay muddo 21 cishe ah oo ay u qabteen dowladda hoose ee ismaamulkaasi si ay u xalliso tabashooyinka howlwadeennada caafimaadka.
Xoghayaha guud ee ururka dhakahaatiirta dalka ee (KMPDU) Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in ay go’aankan qaateen ka dib markii dowladda ismaamulka Embu ay si joogto ah uga gaabisay in ay wax ka qabato dalabaadka saraakiisha caafimaadka.
Waxyaabaha ay doonayaan in la fuliyo waxaa ka mid ah heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin iyo wanaajinta xaaladaha shaqo oo la wada gaaray sanadkii 2017-kii.
Sidoo kale waxay cabasho ka muujinayaan in ay yartahay tirada dhakhaatiirta ee ka howlgalo isbitaallada ismaamulka Embu gaar ahaan isbitaalka heerka Shanaad .
Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale dalbanaya in dallacsiin loo sameeyo si ay ugu gudbaan heerka xiga ee dhanka shaqada.