Waxaa maanta bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi bannaanbax ka sameeyay koox dhallinyaro ah oo taageersan mashruuca guriyeynta ee dowladda dhexe.
Dhallinyaradan ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan go’aamo maxkamadeed oo barnaamijkan ka dhan ah.
Dibadbaxayaasha ayaa socdaal ku maray waddooyinka Moi Avenue, Tom Mboya iyo Kenyatta Avenue ee magaalada Nairobi.
Waxay siteen boorar ay ku qoran yihiin inay taageerayaan lacagaha bil kasta laga jaraya shaqaalaha si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Dhallinyaradan ayaa sheegay in mashruuca guriyeynta uu shaqo abuur u noqday dad leh xirfado kala duwan.
Bishii hore ayay ahayd markii ay maxkamadda sare ee dalka sharci darro ku tilmaantay canshuurta sanduuqa guriyeynta.




