DHAGEYSO:Qoyska nin ay xireen booliiska oo geeriyooday oo cadaalad dalbanaya

0
356

Mid ka mid ah qoysaska tuulada Nyamarimba ee Waqooyiga ismaamulka Nyamira ayaa dalbanaya inay cadaalad helaan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu geeriyooday xubin ka tirsan qoyska oo lagu magacaabo Jackson Makori Obare oo 59 sano jir ahaa.
Waxay sheegeen in ilaa iyo hadda laamaha ammaanka aynan u caddeyn qaabka uu ninkan u geeriyooday in kastoo uu gacantooda ku jiray.
Booliiska ayaa Omondi xiray ka dib markii lagu eedeyay inuu moos ka xaday beer halkaasi ku taalla in kastoo uu eedeyntaasi iska fogeeyay.
Xubnaha qoyskiisa ayaa dalbanaya in loo faahfaahiyo sida ay wax u dhaceen.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Waqooyiga Nyamira ,Simon Musumba ayaa sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in Omondi uunan xatooyo sameyn balse ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aaddan sababta keentay in la jir dilay ka hor inta aan laamaha ammaanka lagu wareejin.