Maamulka KPA oo ka hadlay qarax laga soo tabiyay Likoni

0
172

Maamulka maareeya dekadaha dalka ee KPA ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax laga soo tabiyay deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa.
Qaraxa oo saameeyay markab shidaal oo la dhigay qaybta African Marine Terminal ee Liwatoni ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay.
KPA ayaa bayaan ku sheegtay in qaraxaasi ay u badan tahay inuu ka dhashay cillad koronto.
Mid ka mid ah shaqaalaha markabkaasi ayuu soo gaaray dhaawac fudud oo dhanka madaxa ah waxaana la geeyay isbitaalka iyadoo xaaladda caafimaad ee qofkaasi ay hadda wanaagsan tahay.
Agaasimaha guud ee maamulka maareynta dekadaha dalka ee KPA Captain William Ruto ayaa ka mahadceliyay in si degdeg ah loo xakameeyay dabkii ka dhashay qaraxa.