Qayb ka mid ah waddada Mombasa Road oo la xiri doono

0
343

Maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee dalka ee (KeNHA) ayaa shaaciyay in laga billaabo abaare 9-ka fiidnimo ee maanta oo Isniin ah 25-ka Diseembar la xiri doono qayb ka mid ah waddada wayn ee Mombasa Road.
Qaybtan ayaa xirnaan doonto muddo toddobaad ah ilaa Axadda soo socoto ee 31-da bishan abaare 4-ta aroornimo.
Agaasimaha guud ee maamulka KeNHA ,Kungu Ndungu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadan la qaadaya si loo hirgeliyo marin laga kala gudbaya qaybta (A8) ee waddada Mombasa Road oo u dhow suuqa laga dukaameysto ee Imaara Mall.
KeNHA ayaa gaadiidleyda ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka iyo tilmaamaha ay bixinayaan saraakiisha waaxda taraafikada.