Maxkamadda deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi ayaa xukun xabsi oo 60 sano ah ku ridday nin lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay gabadh 2 sano jir ah.
Xukmanaha ayaa lagu magacaabaa Rodgers Alianda Atseka.
Waxaa uu falkan gaystay 25-kii bishii Toddobaad ee sanadkii hore sida ay maxkamadda u sheegeen saraakiisha waaxda dacwad oogidda.
Waaxda dacwadda oogidda ayaa sheegtay in ninkan uu gabadha ku sasabay nannac ka hor inta uunan faraxumeyn.




