Kenyaanka oo lagu boorriyay inay taxadaraan xilliga Christmas

0
278

Marwada madaxweyne ku xigeenka dalka Dorcas Rigathi ayaa shacabka ku boorisay inay aad u feejignaadaan xilli fasaxeedka Christmas ee bishan Diseembar.
Waxay gaadiidleyda ugu baaqday inay baabuurta iyo mootooyinka u kaxeeyaan si aan khatar gelinayn nolosha rakaabka.
Dorcas Rigathi ayaa ka digtay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya sida khamriga.
Xilligan oo kale waxaa sare u kaco dhacdooyinka shilalka .
Wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 3,900 oo qof ay sanadkan gudihiisa Kenya ugu dhinteen shilal dhacay.