Warbixin laga soo saaray tirada wariyaasha la dilay sanadkan

0
296

Hay’adda wakiil wareedyada aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa sheegtay in tirada wariyaasha ee la dilay sanadkan iyagoo howlahooda shaqo ku guda jiro inay ka hooseyso sanadkii hore in kastoo uu weli duullaan militari ka socdo Qaza.
11-kii bilood ee ugu horreeyay sanadkan waxaa la dilay 45 wariyeyaal ah marka loo barbardhigo sanadkii hore oo tiradan ay ahayd 61.
Tiradan ayaa ah midii ugu hooseysay ee la diiwaangeliyay tan iyo 2002-dii xilligaasi oo la dilay 33 suxufiyiin ah.