Taliyaha guud ee booliiska dalka oo la kulmay dhigiisa Haiti

0
276

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa kulan la qaatay dhigiisa wadanka Haiti Frantz Elbe.
Kulanka ayaa ka qabsoomay magaalada Nairobi.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan ku sheegay in Elbe uu hoggaaminaya wafdi ka yimid wadanka Haiti.
Wafdigan ayaa Kenya ku joogo booqasho saddex cishe ah.
Safarka mas’uuliyiintan ayaa ku qotomo xoojinta iskaashiga amni ee ka dhexeya labada waddan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Kenya ay qorsheynaysa inay 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska gayso Haiti si ay ula dagaallamaan kooxo burcad ah oo wadankaasi ka gaysta falal dambiyeed rabshadeysan.