DHAGEYSO:Maalinta adduunka ee xuquuqul insaanka oo laga xusay Garissa

0
225

Waxaa ismaamulka Garissa lagu qabtay xuska maalinta xuquuqul aadanaha ee adduunka oo shalay ku beegnayd.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii soo qaban qaabiyay dabbaal deggan oo ay ka mid yihiin kuwo guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR, hay’adda Haki na Sheria iyo kuwo kale ayaa u warramay warbaahinta Star iyadoo halkaasi laga fidiyay adeegyo bilaash oo la talin dhanka sharciga ah.
Dadweynaha ayaa lagu boorriyay inay soo gudbiyaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqdooda.