Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha ku matalo Kenya Ambasadoor Zhou Pingjian.
Kulanka ayaa ka qabsoomay xafiiska madaxweynihii afaraad ee dalka oo ku yaalla magaalada Nairobi.
Is araggan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay 60 sano ka soo wareegatay xilligii ay Kenya iyo Shiinaha soo billaabeen xiriirkooda .
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qiray iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeya labada waddan iyo sida xiriirkan uu u xoojiyay qorshaha horumarineed sanadihii uu wadanka hoggaaminayay.
Safiirka Shiinaha ee Kenya ayaa dhankiisa xusay in labada dal ay ka wada shaqeeyaan dhanka dhaqaalaha , siyaasadda iyo dhaqanka.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa safiirka Shiinaha uga warramay doorka uu ka qaadanaya arrimaha nabad galyada iyo amniga ee qaaradda Afrika isagoo sheegay in dhammaan waddamada Afrika ay ka faa’iidaysan karaan fursadaha jira haddii ay nabad yihiin.
Sanadguuradii 60-aad ee ka soo wareegatay xiriirka Kenya iyo Shiinaha ayaa lagu wadaa in Khamiista loogu dabbaal dego daarta xarunta caalamiga ee ganacsiga ee Global Trade Centre (GTC) ee xaafadda Westlands , magaalada Nairobi oo uu Uhuru Kenyatta si rasmi ah u furay bishii 12-aad ee sanadkii 2021.




