Lacagaha ardayda looga bixiyo dugsiyada oo lagu kordhiyay boqolkiiba 5

0
262

Dowladda dhexe ayaa kordhisay lacagaha ardayda looga bixiyo dugsiyada ee qaybta ka ah sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NGCDF.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka saxiixay isbeddel lagu sameeyay hindise sharciyeedka la xiriira sanduuqan.
Xeerka uu madaxweynaha dalka qalinka ku duugay ayaa qoondada lacagaha loo yaqaano bursary ee ardayda la siiyo oo horay ahayd boqolkiiba 35 ka dhigay boqolkiiba 40.
Tani ayaa la doonaya in ay si habsami leh u socoto waxbarashada ardayda .
Lacagta dheeraadka ah ayaa lagu maalgelin doonaa Barnaamijka quudinta ama cunnada la siiyo ardayda dhigta dugsiyada gaar ahaan meelaha ay abaartu sameysa.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungw’ah ayaa sheegay in tani lagu xakameyn doono ardayda dugsiyada iskaga baxa , in la xoojiyo dadaallada ay dowladdu sare ugu qaadaysa aqoonta ardayda iyo inay kororto tirada carruurta ku biiraya dugsiyada.
Xeerka uu madaxweyne William Ruto saxiixay ayaa sidoo kale kordhinaya dhaqaalaha loo qoondeeyo howlaha deegaanka.
Miisaaniyaddan oo horay ahayd boqolkiiba 2 ayaa laga dhigay boqolkiiba 5 si loo maalgeliyo wax ka qabashada dhibaatooyinka cimillada.
Waxaa intaasi dheer in xeerkan uu soo kordhiyay in lacag dhan boqolkiiba 3 loo qoondeeyay maalgelinta xarumaha dhijitaalka ah ee deegaan baarlamaneedyada .
Dowladda ayaa sheegtay in xarumahan ay dhallinyarada ka heli doonaan xirfado casri ah oo ay ku shaqeysan karaan.
Madasha uu madaxweynaha ku saxiixay xeerarka sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada iyo midka maareynta bakhtinasiibka ama khamaarka ayaa waxaa goob joog u ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula, xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi, qareenka guud ee dowladda dhexe Shadrack Mose iyo mas’uuliyiin kale.